Wariye Kenyaan ah oo laga siidaayay xabsi ku yaalla Itoobiya oo door biday inuu halkaasi sii jooggo

Wariye u dhashay Kenya oo dhawaan laga sii daayay xabsi ku yalla dalka Itoobiya ayaa doorbiday inuu halkaasi sii jooggo.
Safaaradda Kenya ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegtay in Yaasiin Juma laga saaray gu’doominta isla markaana loo oggolaaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka ayaa dhanka kale sheegtay in sii deynta Juma kaddib loo qaaday xarun karantiil oo ay dowladdu maamusho oo ku taalla Addis Ababa kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19.
Wariyaha ayaa 14 maalmood oo karantiil ah soo qaatay, kaddibna waa laga saaray xarunta markii laga waayay xanuunka.
Wariye Yassiin Juma ayaa horraantii bishii hore laga soo qabtay guriga Jawar Maxamad oo mucaaradka Itoobiya ka tirsan, xilli ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeeday dilkii loo geystay fannaanka caanka ah ee Hachalu Hundessa.
Laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya waxaa ay Juma ku eedeyeen in isaga iyo wariyaal kale ay la shaqeynayeen mid ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here