Wariye Kenyaan ah oo laga siidaynaya xabsi ku yaalla Itoobiya

Waxaa la filayaa inuu xuriyaddiisa dib u helo wariye u dhashay Kenya oo lagu magacaabo Yassin Juma kaddib markii shalay maxkamad ku taalla Itoobiya ay amartay in la siidaayo.
Horraantii bishan ayaa lagu xiray caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.
Yasin Juma ayay ciidamada ammaanka ee wadankaas gacanta ku dhigeen 3-dii bishan.
Waxay laamaha ammaanka ku eedeyeen in isaga iyo wariyaal kale ay la shaqeynayeen mid ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Maxkamadda oo uu shalay markii afaraad ka soo hormuuqday eedeysanaha ayaa sheegtay inaan la soo bandhigin caddeymo muujinaya in Mr. Juma uu dembi galay.
Maxkamadda ayaa amartay in lagu siidaayo damiin lacageed oo dhan 3,000 oo birr una dhiganta 85 doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here