Wariye lagu dilay deegaanka Kibra

Waxaa xaafada isku raranta ee Kibra ee magaalada Nairobi lagu dilay Saxafi ka tirsanaa idaacadda maxaliga ee Pamoja Fm.
Wariyaha ayaa la dilay shalay iyadoona caalamka laga xusayay maalinka xorriyadda saxaafadda ee adduunka.
Saxafiga ayaa lagu magaacaabi jaray Maxamad Marjan waxayna saraakiisha booliska iyo dadka deegaanka sheegeen in wariyaha la dilay abaaro 5-tii arrornimo ee shalay xili uu u socday howlihiisa shaqo.
Waxaa uu xubin firfircon ka ahaa guddiga xaafadda Kibra.
Aas aasaha idaacadda Pamoja Fm Aadan Xussen ayaa sheegay in marxuumka uu gacnta ku hayay barnaamij gaar ah oo diiradda lagu saaraya bisha Ramadaan oona loogu tala galay dhagaystayaasha muslimiinta ah.
Waxaa uu inta ku daray inuu ahaa saaxiib aad u firfircoon oo karti badan dilkiisana ay tahay wax laga xumaado.
Taliyaha saldhigga booliska ee Kilimani Lucas Oigara ayaa sheegay in dambi barayaashu ay eegi doonaan kaamerada qarsoon ee Cctv si gacanta loogu soo dhigo dadkii dilka geystay.
Oigara ayaa dhanka kale dadka deegaanka ugu baaqay in ay is dejiyaan kaddib markii ay ka caroodeen nin ay ku eedeyeen inuu qeyb ka ahaa kooxdi dilka geysatay kaddibna ay ka takhaluseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here