Warmurtiyeed deg deg ah oo laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb

Waxaa Caawa Warmuriyeed ka kooban laba bog laga soo saaray Shirkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,kass oo looga hadlay Arrimaha doorashooyinka, Amniga iyo Dhaqaalaha.
Warmurtiyeedka oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa ugu muhiimsan in la isku raacay in la sameeyo Guddiyo sii amba qaada wada-hadallada si go’aan looga gaaro nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.
Sidoo kale Xubnaha ayaa isku raacay in la xoojiyo wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lana hormariyo dhaqaalaha dalka iyo dadaalka loogu jiro arrimaha deynta Cafinta.
Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa ku jira in muddo laba todobaad gudahood ah shir kale la isugu yimaado Magaalada Dhuusamareeb si loo dhameystiro geedi-socodka doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here