Warshad soo saarta hilibka kalluunka oo laga dhisayo ismaamulka Marsabit

Barasaabka dowlad deegaanka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali ayaa xariga ka jaray dhismaha warshad loogu talagalay inay soo saarto hibilka kalluunka.
Warshaddan ayaa laga dhisaya degmada Loiyangalani waxaana lagu qarash gelinaya ilaa 200 milyan oo shilin.
Tallaabadan ayaa ah mid looga gol leeyahay in sare loo qaado horumarka dhaqaale ee dalka gaar ahana ismaamulka Marsabit.
Midowga Yurub ayaa ku deeqay 70 milyan oo shilin oo qalab kala duwan lagu soo iibinayo .
Sido kale midowga EU-da ayaa la filayaa inuu dhaqaalahaasi ku biiriyo 40 milyan oo dheeraad ah.
Guddoomiyaha Marsabit ayaa hoosta ka xariiqay in warshaddan ay bil kasta soo saari doonto in ka badan 61,150 taan oo kalluun ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here