Wasaarada Boostada Soomaaliya oo dib ula wareegtay xaruntii Telefoonada Casriga ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka Soomaaliya oo ku taallay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Xaruntan oo ay dowlada Japan dhistay dhamaadkii Sanadihii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka dhacay balse wasaarada isgaarsiinta ayaa sheegtay in dib loo dayac tirayo.
Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay ku taallo xaruntaan iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaarada Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo uu wehliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, isagoo sheegay inay arrintan qeyb ka tahay qorshaha 2019 ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, kuna shaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaradda Boostadu.
Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahaan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntaan oo sidoo kale faracyo ku yeelan doonta caasimadaha maamul-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.
Wasiir Canshuur ayaa sheegay in Labadii sano ee la soo dhaafay ay diyaariyeen sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, ayna doonayaan in dhallinyaradu ka faa’iideystaan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka Soomaaliya.
Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu isgaarsiinta Soomaaliya ayaa xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm.
Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayay wasiirka wasaarada Boostada,Isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaaliya ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta, iyo teknlojiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here