Wasaarada Boostada Soomaaliya oo soo bandhigtay siyaasada Nambarad

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qabyo-qoraalka seddex siyaasad oo ay Wasaaraddu diyaarisay oo kala ah: Siyaasadda Jeegaanta (Spectrum Policy), Siyaasadda Lambarrada (Numbering Policy), Siyaasadda Isku-xirka Shabakadaha (Interconnection Policy).
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha dowlada, shirkaddaha isgaarsiinta, bulshada rayidka ah iyo bahda waxbarashada ayaa la iskula soo qaaday muhiimadda ay leeyihiin siyaasadahan ku jira wadatashiga ee faraca ka ah Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Soomaaliya oo hagi doonta maareynta howlaha la xirriira hirarka, lambarrada iyo isku-xirka shirkadaha dalka ka Howlgala.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda dowlada Soomaaliya Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa sheegay in wadatashigu uu saldhig u yahay dhammeystirka dhammaan siyaasadaha iyo howlaha wasaaradda Boostada.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Soomaaliya Xildhibaan Cabdullahi Bille Nuur ayaa dhankiisa sheegay in siyaasadahaan ay muhiim u yihiin hirgelinta xeerka isgaarsiinta iyo fulinta siyaasadda guud ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda qaran.
Waxa uu Xusay in Adduunku Soomaaliya Ku Tilmaamo wadan leh Isgaarsiin casri ah, laakiin aan lahayn sharciyo iyo siyaasado ay ku shaqeeyaan, sidaasi darteedna wasaaraddu Boostadu ay dooneysaa inay buuxiso firaaqaas si dalku u yeesho sharci iyo siyaasado lagu hago isgaarsiinta qaranka.
Wasiiru dowlaha wasaarada Boostada Soomaaliya ayaa Tilmaamay inuu ka rajeynayo hay’adaha, shirkadaha, ururradda ay khuseyso iyo isticmaalyaasha isgaarsiintaba inay taladooda ku soo biiriyaan ka hor 10ka Janaayo sanadka 2020.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa waxay dhowaan ansixiyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Soomaaliya oo jiheyn doonta howlaha horumarinta ICT-da guud ahaan dalka Soomaaliya shanta sano ee (2019-2024).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here