Wasaarada caafimaadka oo baareysa qof looga shakiyay in uu qabo caabuqa Shiinaha ka dilaacay

Arday u dhashay dalka oo ka soo degay gegada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee (JKIA) oo leh astaamo la mid ah caabuqa lala xiriirinaya neefsashada ee coronavirus oo saameynta ballaaran ku yeeshay wadanka Shiinaha ayaa loo la cararay isbitaalka qaran ee jomo kenyaata si baritaan lagu sameeyo.
Waxaa haatan ardeyga lagu karantiilay isbitaalka weyn ee KNH ee magaalada Nairobi.
Ardayga oo aan magaciisa la shaacin oo kujira da’da 20 ayaa ku soo safray shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways taas oo kusoo degtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta abaaro 9.30 subaxnimo waxaana isla markiibi la geeyay isbitaalka kenyatta .
Shirkadda diyaaradaha ee Kenya airways ayaa xaqiijisay in ardaygu diyaarada uu ka soo raacay magaalada Guangzhou una soo socday magaaladda Nairobi
Madaxa isgaarsiinta ee isbitaalka Kenyaata Hezekiel Gikambi ayaa sheegay in hada baritaan uu marayo ardayaga si meesha looga saaro ama loo xaqiijiyo in uu qaba cudurka
Waa qofkii ugu horreeyay ee looga shakiyay caabuqan oo lagu arko gudaha dalka.
In ka badan 2,700 ayuu cudurkani galaftay waxaana ila iyo hada xaqiijiyay dhimashada 106 qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here