Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo furtay Qaybta Cusub ee Karaantiilka dadka qaba Covid 19.

Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaan ku xigeenkii Ra’isulwasaarihii Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulled Qadar ayaa Maanta xariga ka jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir
Munaasabada Xarig Jarka ayaa waxaa ku sugnaa sii hayaha Xilka Ra’isulwaasaraha,Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Xubno kale.
Wasiirada wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fawzia Abiirkar Nuur ayaa Sheegtay in shirkada Hormuud ay dhismahaan ugu deeqday Wasaarada Caafimaadka ayadoo uga mahadcelisay Talaabadaasi ay qaadeen.

 

Sii hayaha Xilka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa isna dhankiisa Bogaadiyay cidkasta oo hirgalinta Qaybtaan Kaalin ku lahayd ayaa Hoosta ka Qariiqay in wada jirka iyo wadashaqaynta dowlada iyo shacabka ay Guulo badan gaari karaan.

Wasaaradda Caafimaadka dalka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.
Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban afar qeybood ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu daran tahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.
Dib u dhiska iyo qalabeynta Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa qayb ka ah dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso hannaanka caafimaadka dalka Soomaaliya wallow dhanka kale ay dowladu sheegtay in xaaladaha Maalin laha ah ee Soomaaliy si weyn hoos ugu dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here