Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo walaac ka muujinaysa Xaalada cudurka Corona

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada fedraalka Soomaaliya Maxamed Saciid C/llaahi ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, iyo cabsida ay ka qabaan inuu dalka gudihiisa ku faafo.
Wasiir ku xigeenka ayaa Tilmaamay in Labadii bukaan ee maalmo ka hor wasaarada Caafimaadku sheegtay in laga helay cudurka COVID-19, mid ka mid ah uu yahay muwaadin Soomaali ah ku noolaa gudaha Magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegay inuu kaga duwan yahay kiisaskii ka horeeyey oo dhamaan dadkii laga helay ahaayeen kuwo ka yimid dalka dibadiisa lana karantiilay inta aysan shacabka dhex gelin.
Wuxuu sheegay in Bukaankii ugu dambeeyey ee laga helay cudurka uu Soomaali ahaa sidoo kalen uusan wax xiriir ah la lahayn qof qabay cudurka, kana imaan dalka dibaddiisa, uuna bulshada ku dhex noolaa, Taasina ay ka dhigan tahay inuu fayrasku haatan ku jiro bulshada dhexdeeda, isgoo intaas raaciyay arintaan walaac badan ayey nagu abuurtay, maadaama dadkii isaga qaadsiiyey iyo kuwii uu la macaamilay ay weli bulshada ku dhex jiraan, siina qaadsiin karaan dad kale oo fara badan.
U gudbinta bulshada ayuu sheegay wasiirku in micnaheedu yahay in cudurku ku dhex faafay bulshada qaab aan la garanayn, iyadoo bukaanku xiriir la yeelan qof qaba cudurka ama u safrin dibadda.
Dhanka kale Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey inay hakisey qabashada codsiyada baasaboorka sababo la xiriira digniinaha caafimaad ee la soo saarey iyo ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Qoraal kasoo baxey hay’adda ayaa lagu sheegay in Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Karoonaha oo saameeyey isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinayso in laga bilaabo maalinta Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe ay so baxayso.
Hay’adda ayaa sheegtay inay dib kasoo sheegi doonto xilliga la bilaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo Bulsho farabadan ay Maalin walba ka qaataan xarumaha Hay’addu ku leedahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaay qaadeysay tallaabooyin dhowr ah oo ku saabsan ka hortaga Cudurka Corona,iyadoo joojisey duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee imaan jirey Soomaaliya iyo kuwa ka bixi jiray intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here