Wasaarada Caafimadka oo sheegtay in kaliya boqolkiiba 15% ee lacagta COVID-19 ay heleen

Wasaarada caafimada ayaa sheegtay in kaliya boqolkiiba 15% ee lacagta loogu tala galay la tacaalida xanuunka COVID-19 loo qoondeeyay ay soo gaartay.
Wasiirka Caafimadka Sen.Mutahi Kagwe Iyo xoghayaha Wasarada Susan Mochache ayaa shaaca ka qaadeen markii ay manata ka soo hor muuqdeen guddiga aqalka barlaamnaka ee caafimadka.
Waxay uga soo hor muuqdeen si ay ooga jawaaban su’aalo ku saabsan sida lacagaha loogu qaybiyay ismaamulada si ay u dagaalaan xanuunka COVID-19 iyado oo ay jirto barnaamij uu sameeyay telefishan ku cad inay jiraan in lacagaha la lunsaday.
Kagwe ayaa sheegay in Wasaarada aysanmaamulin dhamaan dhaqalaaha loogu tala galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19,Isla markana wasaarada maaliyada ay heyso.
PS Mochache ayaa sheegtay in 3 billion oo ka mid ah miisaaniyada wasaarada loo qaybiyay xaruumaha caafimad ee kala ah Isbitalka gobolka xeebta (Ksh.500 million), Jaramogui Oginga Odinga (Ksh.400 million), Isbitalka Kitui (Ksh.300 million), Isbitalka Mandera (Ksh.300 million), Isbitalka Qaran ee Kenyatta (Ksh.600 million), Isbitalka Moi Teaching And Refferal (Ksh.400 million) Iyo Iyo Isbitalka Jaamacada Kenyatta (Ksh.500 million.)
Xoghayaha wasaarada ayaa sheegtay in wasaarada caafimadka ay ka heshay wasaarada maaliyada 1.5-Bilyan taasi oo loo gudbiyay KEMSA si ay u soo iibiyaan qalabka lagu baarayop Corona iyo waxyaabaha kale ee loo baahanyahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here