Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax Ciyaaro ah jiri doonin

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa markale ku celisey inay la hakiyey dhamaan Tartamada Ciyaaraha Soomaaliya,iyada oo la farey dhamaan Wasaaradaha Ciyaaraha Maamul goboleedyada amarkaan.
Wasiir Khadiijo oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in,iyagoo fulinaya amarka Madaxda Sare ee Somaaliya la hakiyey dhamaan taratamada ay qabanayeen Olombikada Soomaaliyeed si looga feejignaado Cudurka COVID 19.
Sidoo kale Wasiirada Khadiijo ayaa intaasi ku dartey inay maalmahaan tixgelin siinayeen Ciyaartoyda iyo macaliminta Ajaanibta si Ciyaaraha loo fasaxo,balse ay suurtagal noqon weysay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus Go’aankii ay horey Wasaaradda u soo saartana uu weli taagan yahay.
18-kii Bishaan ayaa Amar kasoo baxey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa lagu hakiyey dhamaan Ciyaaraha noocyadooda kala duwan ee dalka sababo la xiriira Cudurka COVID 19, Amarkaas oo Maanta ay markale ku celisey Wasiir Khadaiijo Maxamed Diiriye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here