Wasaarada Qorshaynta Soomaaliya oo kulan wadatashi ah Furtay.

Kulan wada tashi ah oo ay wada yeesheen Wasaaradda qorshaynta iyo hormarinta dhaqaalaha dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu lafa guray halka uu marayo qorshaha horumarinta Qaranka ee wasaaradu Garwadeenka ka tahay.
Shirka Golaha horumarinta Qaranka ayaa si wayn looga hadlay diyaarinta qorshaha horumarinta oo heer gabo-gabo ah maraya, kaasoo dhowaan lagu wado in la hor geeyo golaha Wasiirrada Soomaaliya si ay u meel mariyaan.
Qodobada Qorshahaan ku cad ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda deeqaha Caalamka uu siiyo Soomaaliya, kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , khayraadka, horumarinta wax soo saarka , dhismaha Waddooyinka , kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhallinyarada, maalgashiga ganacsiga ,maaraynta Biyaha iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Qoshaynta maalgashiga Caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahaan uu wax badan ka duwan yahay kuwii hore, maadaama ay haatan Soomaaliya ganacteeda ku sameeysaneyso si loogu saleeyo baahiyaha dalka ka jira.
Asad Yuusuf Qanyare, Maareeyaha horumarinta qorshaha qaranka ayaa sheegay inay maalmaha soo socdo horgayn doonaan qorshahaan golaha Wasiirada, si loo meel mariyo.
Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Novembar 2018kii kii meel mariyay geeddi socodka qorshaha Qaranka, kaasoo la doonayo in lagu shaqeeyo Shanta Sana ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here