Wasaarada Waxbarashada oo dooneyso in dugsiyada loo adeegsaday goobaha karantiilka la faarujiyo

Saraakiisha wasaraada waxbarashada ayaa ka codsaday dhigooda Wasaarada caafimadka inay baneeyaan oo ay buufiyaan dugsiyada dowlada oo loo adeegsaday xaruuma lagu karantiilo bukaanada xanuunka COVID-19, iyada oo loo diyaar garoobayo in dugsiyada dib loo furo.
Xoghayaha Wasaarada Waxbarashada Belio Kipsang, ayaa warqad uu u qoray Xoghayaha wasaarada Caafimadka Susan Mochache waxa uu ku shegay in saamileydsa waxbarashada ay arkeen kiisaska Viruska Corona oo sii yaraanaya dabdeedna isku afgarteen in dib loo furo goobaha waxbarashada.
Warqada Dr.Belio Kipsang ayaa waxa ku qoran in wasaarada caafimadka laga doonayo maadama dugsiyada loo isticmaalaye goobaha lagu karantiilo bukaanada inay baneeyaan, la buufiyo ugu dambayn 28-ka bisha September si ay maamulyasha dugsiyada ugu diyaar garoobaan in dugsiyada si toos ah loo furo.
Tani ayaai maaneysa xili Guddiga adeega macalimiinta TSC ay soo sareen diyaar garowga laga doonbayo macalimiinta marka dugsiyada dib loogu laabto isla maalinta Isninta 28-ka September.
TSC ayaa ku amray macalimiinta inay xaqiijiyaan in fasalada, xafiisyada, goobaga arada aseexdaan iyo dhamaan goobaha kale ee dugsiyada si dhameystiran loo nadiifiyay si loo xaqiijiyo inay aradada soo xaadiri karaan.
Waxa sido kale laga doonaya inay la yimaadaan hannan lagu siin karo taagero aradada, waalidiinta iyo saamileyda waxbarashada oo dhanka maskaxda ah.
TSC ayaa macalimiinta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka ku amartay inay iskuulada dib ugu labtaan maalinka isniinta ee todobadka dambe ee 28-ka bishaan si aay iskugu diyaariyaan dib u fuurka goobaha waxbarashada.
Madaxa fulinta ee guddiga adeega macalinta Dr.Nancy Macharia ayaa sheegtay in macaliminta aay iska xadiriyaan goobahooda waxbarashada.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ayaa sheegay in dugsiyada dalka dib loo furi doona kaliya markii ay saamileyda taclinta isku af gaartan tariikhta dib loogu laabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here