Wasaarada waxbarashada Soomaaliya oo Awaamiir soo saartay

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro ku socda Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada eek y yaala qaybadalka.
War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay soo saareen nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta kusoo gudbinayaan (Online Database).
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay joojisay dugsi laga soo qaado warqaha ama foomamka ardaydu leeyihiinoo sanadiihii tagay la isticmaali jiray.
Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la socodsiinayso dhammaan bahda waxbarashadda oo ay ugu horeeyaan Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada Soomaaliya ay Nidaamkaan ku wada shaqayn doona bahda waxbarashada guud ahaan dalka.
Wasaaraddu Dalladaha waxay ka sugaysa Tix ama Liis arday odhamaystiran,shambadaysan oo dugsi dugsi u xiran.
Waxaa nidaamkaan lagu bilaabay Gobolka Banaadir oo ilaa hadda 75% dugsiyadu si wanagsan u wadaan shaqada.
Ugu danbayntii waxay wasaaradu sheegtay in Fiiro gaar ah loo yeesho inuusan jiri doonin hal arday iyo hal dugsi oo ka maqnaan doona Nidaamka cusub Kali ah dugsiyada ayaa kala horeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here