Wasaaradaha tacliinta, arrimaha gudaha iyo caafimaadka oo amarro la siiyay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka amray inay ka wada shaqeyaan sidii loo soo saari lahaa nidaamyo la racaayo oo fududeyn karo inay sii shaqeyaan goobaha cibaadada.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in Kenya ay tahay waddan Alle laga caabudo sidaas awgeedna uu dareemayo oo uu bulshooyinka kala duwan la qeybsanaya culeyska kaga yimid amarkii dowladda ee lagu xiray masaajidda iyo kaniisadaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo dhigiisa caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayuu amar ku siiyay inay la yimaadaan qorsho dhameystiran oo ku aaddan sida goobaha cibaadada dib loogu furi karo iyadoo la ilaalinaya badqabka shacabka.
Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wasaaradda tacliinta amar ku siiyay inay dardargeliso wada hadalada ay la yeelanayso saamiileyda tacliinta si dib loogu furo dugsiyada.
Waxaa uu xusay inuu aad uga xunyahay walaac ay muujinayaan waalidiinta iyo ardayda guriyaha ku sugan balse uu u xaqiijinayo in dowladda ay xilligan mudnaanta koobaad siinaysa badqabka shacabkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here