Wasaaradda arrimaha dhulalka oo billowday diiwaangelin dijitaal ah

Wasaaradda arrimaha dhulalka ee dalka ayaa guda gashay diiwaangelin casri ah oo lagu sameynayo dokumeentiyada kala duwan.
Barnaamijkan ayaa laga fulinaya guud ahaan dalka sida uu shaaca ka qaaday xoghayaha ugu sarreeya ee wasaaraddan u qaabilsan dhanka maamulka Gideon Mung’aro .
Mr.Mung’aro ayaa xusay in diiwaanka arrimaha dhulalka ee caasimadda dalka ee Nairobi iyo deegaanada ku dhow horay dijitaal laga dhigay.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshuhu uu yahay in howshan la soo gabagabeeyo sannadka 2021-ka.
Tallaabadan ayuu ku sheegay in looga gol leeyahay in lagula dagaalamo boobka dhulalka iyo isqabqabsiga ka dhasha ee soo noqnoqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here