Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka oo ka hadashay weerraradii ka dhacay Koonfur Afrika

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in laba qof oo Kenyaan ah ay ka mid yihiin dadka ku waxyeeloobay weerrarada ajnabi naceybka ku saleysan ee dhawaan laga gaystay dalka Koonfur Afrika.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma ayaa warbaahinta u sheegtay in xafiiskeeda uu si joogto ah ula xariirayo safaaradda Kenya ee magaalada Pretoria
Waxay intaasi ku dartay in dhacdooyinkaasi lagu bartilmaameedsaday ajaaniibta ay yihiin kuwo nasiib darro ah hasa ahaate dowladda Kenya ay sameynayso wax waliba oo awoodeeda ah si loo xaqiijiyo badbaadinta muwaadiniinta halkaasi ku nool.
Sido kale safiiradda ayaa soo dhaweysay in dowladda Koonfur Afrika ay si adag u cambaareysay falalkaasi oo ayna ballanqaaday inay wax ka qabanayso.
5 qof oo u badan kuwo u dhashay dalkaasi ayaa weerrarada lagu dilay halka booliska wadankaasi ay xireen ugu yaraan 289 qof oo lala xariirinayo falalkaasi soo bilowday axaddii.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg ee gobolka Gauteng iyo kuwo kale ka socdeen weeraro ku saleysan ajnabi naceyb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here