Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka oo u hambalyeeysay madaxweynaha Jubbaland

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ugu hambalyeysay madaxweynaha markii saddexaad shalay loo doortay hoggaanka maamul goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axmad Madoobe.
Waxaa qoraalka wasaaraddu qeyb ka ah in doorashada shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ay muujinayso in dalka soomaaliya ay ka qabsoomi karto codeyn si nabad ah ku dhacdo.
Kenya ayaa sheegtay inay farxadda la qeybsanayso shacabka dowlad goboleedkaasi waxayna ballanqaaday inay Jubbaland kala shaqeyn doonto xasiloonida iyo nabadgaliyada.
Sido kale wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa madaxda maamul goboleedkaasi ugu baaqday inay si dhow ula shaqeyaan dowladda federaalka soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here