Wasaaradda arrimaha gudaha oo bayaan ka soo saartay eedeymo loo jeediyay waaxda socdaalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka war heshay eedeymo dhowr ah oo ku saabsan qaladaad dhanka shaqada oo ka jiro waaxda socdaalka iyo hay’adaha kale ee amniga ee dowladda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa kulan arrimahan ku aaddan la yeeshay abaanduulaha guud ee booliska iyo agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda .
Kulankaasi waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin in baaritaano dhameystiran lagu sameeyo waxyaabaha laga soo sheegay waaxda socdaalka si xaqiiqda jirta loo ogaado.
Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa laga doonaya inuu baaritaanada guda galo oo uu warbixin ku soo gudbiyo muddo 14 cisho gudahood ah.
Sido kale cid waliba oo kenyaanka ka mid ah oo xog haysa ayaa la doonaya inay u gudbiso agaasimaha qeybta IAU Charlton Murithi ee si hoose u eegta howlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo waaxyaha kala duwan.
Sida lagu soo qoray barta rasmiga ee twitarka ee wasaaradda arrimaha gudaha Mr. Charlton ayaa laga xariiri karaa 0798474619 ama email-ka dir.iau@nationalpolice.go.ke
Wangui Muchiri afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in la xaqiijinayo sidii dhammaan kenyaanka ay caddaalad ku heli lahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here