Wasaaradda arrimaha gudaha oo beenisay in berri ay tahay maalin fasax qaran

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa shacabka Kenyaanka ah u sheegtay inaysan rumeysan warar la isla dhex maray oo ku aaddan in berri oo isniin ay tahay maalin fasax qaran.
Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa xusay inuunan wax shaki ah ku jirin in isniinta sidii caadiga ahayd ay tahay maalin shaqo.
Waxaa uu wasiirku been abuur ku tilmaamay qoraal la soo saaray oo laga dhigayo in lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada ay dowladda ugu baaqeen inay ku dhawaaqdo in isniinta ay tahay maalin fasax ah si loogu dabaaldego guusha uu gaaray orodyaahanka Eliud Kipchoge.
Mr. Kipchoge ayaa taariikh aan caadi ahayn ka dhigay magaalada Vienna ee dalka Austria kaddib markii hal saac , 59 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi oo keliya ay ku qaadatay inuu ordo 42 kiilomitir.
Waxaa uu furay xujada loogu magacdaray 1:59 INEOS challenge oo ay micnaheedu tahay inuu orodkaasi ku dhameeyo wax ka yar laba saacadood taasi oo uu ku guulaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here