Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u habeyn ku sameeynaysa waaxda diiwaangelinta shacabka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono waaxda qaabilsan diiwaangelinta dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in si buuxda loo dhaqangelinayo amar bil ka hor uu soo saaray madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dr. Matiangi ayaa xusay in si gaar ah loo eegayo bixinta, qaadashada iyo keydinta shahaadooyinka dhalasho iyo kuwa dhimashada .
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii shacabka ay cabasho ka muujiyeen inuu jiro dib u dhac iyo musuqmaasuqa saameeyay waaxdaasi.
Dr. Matiangi iyo dhiggiisa wasaaradda isgaarsiinta Mr.Joe Mucheru ayuu hoggaamiyaha dalka ku amray inay diiradda saaraan sidii loo sifeyn lahaa hannaanka diiwaangelinta .
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhawaan la xiray dhowr ka mid ah shaqaalaha waaxdaasi .
Go’aanka xabsiga loogu taxaabay ayaa yimid kaddib laba toddobaad oo baaritaano hor dhac ah ay socdeen.
Shacabka ayaa ugu dambeyn loogu baaqay inay iska ilaaliyaan ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa iyo laaluush bixinta oo ayna dowladda ku wargeliyaan fal walba oo aan sharciga waafaqsan oo ay ku dhex arkaan waaxda diiwaangelinta muwaadiniinta iyo dhammaan xafiisyada dowladda ee bulshada loogu adeego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here