Wasaaradda arrimaha gudaha oo digniin u dirtay shacabka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa Kenyaanka ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo aynan lacag ku bixin waxa ay ku tilmaantay khiyaano ku addan adeegga Huduma.
Waxaa bulshada lagu booriyay inay fiiro gaar ah u lahadaan fariimo waxba kama jiraan ah oo loo soo dirayo ama la soo wacayo iyadoo qofka laga dalbanayo inuu lacag bixiyo si uu ogaado macluumaadkiisa ku saabsan nambarkii la iskudiiwaangelinayay ee Huduma Number.
Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in marka la dhameystiro geedisocodka arrinkan , dadweynaha si rasmi ah loogu soo wargelin doono.
Waxaa xusid mudan inuunan jirin wax qarash ah oo ay dowladda shacabka uga qaadayso barnaamijkan.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi iyo dhigiisa jaaliyadda bariga Afrika Aadan maxamad ayaa kulan la qaatay madaxda siyaasadeed ee gobolka waqooyi bari.
Waxay labada dhinac ka wada hadleen dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo gobolka oo ay ugu horreeyaan kuwa ka midka ah qorshayaasha waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee.
Qorshayaashan ayaa kala ah wax soo saarka, guriyeynta , la tacaalidda cuno yarida iyo helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in wasiirada ay kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo caqabadaha dhanka amni ee jiro sida isku dhacyada u dhexeya bulshooyinka Tana River iyo Kitui oo Garissa deris la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here