Wasaaradda arrimaha gudaha oo isbeddelo sameysay

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa lagu sheegay in wadatashi dhexmaray wasiirka Dr. Fred Matiang’i iyo madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta kaddib isku shaandheyn lagu sameeyay saraakiisha waaxda arrimaha gudaha
Xoghayaha sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka maamulka waxaa loo magacaabay Mr. Moffat Kangi halka Mr. Wilson Njega laga dhigay xoghayaha arrimaha gudaha.
Waxaa sido kale isbeddelladan ay saameyeen isku duwayaasha ammaanka ee dowladda dhexe ku matalo gobollada dalka.
Mr. Wilson Njega oo ahaa isku duwihii ammaanka ee Nairobi ayaa loo wareejiyay xarunta dhexe ee xafiiska madaxweynaha.
Waxaa sido kale xaruntan la keenay Ms. Anne Ngetich oo dowladda dhexe u qaabilsanayd gobolka galbeedka dalka.
Mr. James Kianda oo ka howlgalayay gobolka Nyanza ayaa loo soo wareejiyay Nairobi .
Magu Mutindika ayaa loo magacaabay isku duwaha ammaanka ee gobolka Nyanza ,Esther Maina (Galbeedka)
Guddoomiyaha ammaanka ee ismaamulka Mandera Onesmus Kyatha ayaa loo beddelay Mombasa.
Joshua Nkanatha waxaa laga soo qaaday Kajiado waxaana la geeyay dowlad deegaanka Marsabit waxaana xilkiisa la wareegay Evans Achoki .
Guddoomiyaha ismaamulka Garissa ayaa loo magacaabay Michael N. Tialal oo laga soo wareejiyay Siaya.
Gilbert B. Kitiyo oo ahaa guddoomiyihii ammaanka ee Mombasa ayay wasaaradda arrimaha gudaha u wareejisay Mandera.
Stephen Kihara oo dowladda dhexe ku matalayay Kisii ayaa la geeyay Uasin Gishu
Mwangi Meru waxaa laga soo qaaday Garissa waxaana loo beddelay ismaamulka Narok .
George Omoding oo ka howlgalayay Bomet waxaa la geeyay Kakamega
Guddoomiyihii ammaanka ee Narok Samuel Kimiti waxaa loo beddelay Bungoma.
Olaka Kutswa oo ka shaqeynayay Nandi ayaa hadda kaddib dowladda dhexe ku matali doono Kilifi.
Boaz Cherutich waxaa laga wareejiyay Nyandarua waxaana la geeyay ismaamulka Migori .
Cabdirisaaq Jaldesa waxaa laga soo qaaday Uasin Gishu County waxaana loo beddelay Kisii .
Mr. David Kipkemei oo dowladda dhexe u qaabilsanaa Homabay ayaa la keenay xarunta dhexe ee xafiiska madaxweynaha ee Nairobi.
Cabdi Xasan oo ahaa guddoomiyaha ammaanka ee ismaamulka Bungoma waxaa loo soo beddelay xarunta dhexe ee xafiiska madaxweynaha ee Nairobi.
Fredrick Ndunga ayaa loo magacaabay guddoomiyaha ammaanka ee ismaamulka Machakos ,Paul Rotich ayaa xilkan oo kale ka haynaya Siaya ,Mathias Mbogai Rioba (Tana River)Moses K..Lilan (Homabay), Benson David Leparmorijo (Nyandarua),Josephine Ouko (Bomet )
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay inuu sido kale xarumo kala duwan ku wareejiyay 98 ka mid ah ku xigeenada guddoomiyaasha ismaamullada halka jagooyinkan uu u magacaabay 84 sarkaal.
War-saaxafadeedka ayaa lagu sheegay in isbeddeladan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan galayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here