Wasaaradda arrimaha gudaha oo isku shaandheyn ku sameysay booliska

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka ayaa isku shaandheyn ku sameysay saraakiisha ammaanka.
Isbeddelladan oo shaaca looga qaaday xarunta dhexe ee booliska ee magaaladatani Nairobi ayaa saameysay in ka badan 30 sarkaal oo sar sare.
Isku shaandheynta ayaa timid kaddib markii ay howlgab noqdeen in ka badan 60 saraakiil sar sare ah.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nakuru ,Stephen Muriithi ayaa loo soo wareejiyay dhanka Nairobi waxaana laga dhigay ku xigeenka taliyaha booliska ee gobolka.
Ku xigeenka agaasimaha dhanka isbeddellada ee xarunta dhexe ee booliska dalka Faarax Macallim ayaa loo wareejiyay bariga dalka wuxuuna noqonaya ku xigeenka taliyaha booliska ee gobolkaas.
Nelson Tahiti ayaa xilkan mid la mid ah ka qabanaya gobolka xeebta.
Joseph Ndegwa ayaa laga dhigay madaxa qalabka ee xarunta dhexe ee booliska halka Tito Kilonzi loo wareejiyay Nakuru oo uu ka noqonaya taliyaha ismaamulkaas.
Guddiga adeegga qaran ee booliska ayaa dallacsiiyay in ka badan 1,500 sarkaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here