Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadashay bandowga habeenkii

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’I ayaa sheegay inay sameynayaan wax kasta oo ay awoodaan si ay ugu guulaystaan dhaqangelinta bandowga dalka ka jiro.
Bandowgan oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shaqeeya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Waxaa uu si rasmi ah deegaannada dalka uga dhaqangalay 27-kii bishii hore.
Matiangi ayaa ku nuuxnuuxsaday inay xoojinayaan diyaar garowgooda hadii caqabado dheeraad ah ay soo baxaan.
Sido kale wasiirka ayaa xusay in barasaabyada ismaamullada oo kaashanaya guddoomiyaasha Dowladda dhexe matalo lagu amray inay diyaariyaan goobo dheeraad oo gaar ah si loo isticmaalo hadii ay dantu keento.
Wasaaradda maaliyadda ayaa dhankeeda lacag dhan 2.66 bilyan oo shilin u qoondeysay wasaaradda caafimaadka si labada bilood ee soo socoto loogu adeegsado ka falcelinta caabuqa coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here