Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadashay hannaanka Huduma

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa ammaanay hannaanka bilooyin ka hor kenyaanka lagu diiwaangeliyay ee loo yaqaano Huduma Number.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha loo jeediyay dowladda ee ah inaynan barnaamijkan daacad ka ahayn.
Dr. Kibicho ayaa sheegay in adeegsiga nidaamkan uu fududeynayo qorsheynta howlaha dowladda iyo wanaajinta adeegyada loo fidiyo shacabka.
Sido kale xoghayaha ayaa beeniyay inay jireen qowmiyado qaar oo aan fursad buuxda la siin markii dadweynaha hannaanka lagu diiwaangelinayay sida bulshada Nubiga.
Dr. Kibicho oo ay su’aalo weydiinayeen saddex garsoorayaal ah ayaa ku nuuxnuuxsaday in ujeedada ugu weyn ee barnaamijkan laga lahaa ay tahay in qaab dijitaal ah lagu keydiyo macluumaadka dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in diiwaangelinta la sameeyay ay xal u noqon doonto dadka sita macluumaadka aqoonsiga qaran ama kibaandhaha ee isku eg iyo ajnabiga sharciga dalka si aan sax ahayn ku helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here