Wasaaradda arrimaha gudaha oo soo saartay hindise sharciyeed khasab ka dhigaya Huduma Number

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha dowladda qaran ayaa soo saartay hindise sharciyeed ay ku doonaysa in la ansaxiyo si ay khasab u noqoto in qof waliba oo u baahan adeeg dowladeed uu haysto nambarka loo yaqaano Huduma .
Arrinkan ayaa dhaqangalaya laga billaabo bisha Disembar ama laba iyo tobnaad kaddib marka la meel mariyo hindisahan loogu magacdaray Huduma Namba bill 2019.
Shacabka ayaa laga billaabo khamiista soo socoto haysta 14 maalmood oo ay uga ra’yi dhiibanayaan ku tallaaba qaadka hindise sharciyeedkan.
Waxaa intaasi kaddib loo gudbinaya baarlamaanka oo hadii uu ansaxiyo lagu sii wareejin doono madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta si uu qalinka ugu duugo oo ay sharci dalka laga adeegsanaya u noqoto inuu qofka sito nambarkan si uu dowladda ula macaamilo.
Nambarkan khaaska ah ayaa ugu dambeyn beddelaya adeegsiga dokumeentiyada kale waxaa uuna noqonaya qaabka qofka muwaadinka ah ama ku nool gudaha dalka lagu aqoonsan karo.
Adeegyada qofka laga doonayo inuu haysto nambarkan si loogu fidiyo waxaa ka mid ah bixinta baasaboorka, leesimada baabuurta lagu kaxeeyo , inuu codbixiye ahaan isku diiwaangeliyo ama la diiwaangeliyo nambarka uu u adeegsado inuu dadka kula xariiro ee taleefoonka gacanta.
Sido kale waxaa uu kaa caawinaya furashada akoonti bangiyeed, bixinta canshuuraha, dhulalka lala kala wareego iyo diiwaangelinta shirkadaha iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs.
Adeegyada kale ee nambarkan lagu xirayo waxay yihiin xariirinta korontada , diiwaangelinta guurka , helidda adeegyada caafimaad ee dowladda iyo guriyaha tayada leh ee la dhisayo iyo baabuurta la soo iibsanayo.
Waxaa la siinaya carruurta ay da’dooda ka sarreyso 6 sano, Kenyaanka 18 sano jir iyo wax ka badan ah iyo ajaaniibta isdiiwaangeliyay.
Hindise sharciyeedkan ayaa dhigaya in carruurta dhasha laga doonayo in waalidku uu diiwaangeliyo ama u qaado shahaadada dhalashada muddo 90 maalmood gudahood ah hadii kale tallaabo ayaa laga qaadaya.
Baraha ay bulshada ku wada xariirto gaar ahaan twitarka ayaa waxaa qabsaday cinwaan ay Kenyaanka siyaabo kala duwan uga hadlayaan qorshahani.
Bishii afaraad ee sannadkan ayay ahayd markii maamulka isgaarsiinta ee dalka uu sheegay in dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta laga doonayo inta qof aynan leen ama lafta taleefoonka gacanta ka iibin ay ku xiraan nambarka Huduma taasi oo hadal hayn ballaaran ay ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here