Wasaaradda arrimaha gudaha oo soo saartay tallaabooyin amniga lagu xoojinayo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaca ka qaaday ilaa 10 qodob oo looga gol leeyahay in lagu sugo ammaanka sido kalena looga hor tago falalka argagixisada.
Waxaa uu dhanka kale wasiirka digniin adag u diray kooxaha loogu yeero argagixisada iyo dambiilayaasha kale kuwaas oo uu sheegay in loo turi doonin hadii gacanta lagu dhigo.
Hadalka Dr. Mati’angi ayaa yimid xilii ay gudaha dalka ku soo kordheen weerarada ay gaysnayaan kooxaha argagixisada gaar ahaana gobolka waqooyi bari.
Waxaa uu ugu baaqay dhamaan maamullada inay ogaadaan dadka ku nool xaafadoohada si ammaanka wax looga qabto.
Wasiir Matiangii ayaa hadalkan ka jeediyay ismaamulka Mombasa oo furay shir 3 maalmood soconaya oo looga hadlayo ammaanka dalka.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dalka ayaa amray in la hubiyo dhamaan adeegyada la siiyo kenyaanka sida dhalashooyiinka,baasaboorada, aqoonsiga qaran iyo waraqaha dhimashooyiinka .
Sido kale waxaa uu amar ku bixiyay in baaritaano lagu sameeyo dokumeentiyada laga bixiyo xafiisyada dowladda dhexe ee deegaanada kala duwan.
Dr Matiangi ayaa sheegay in jahawareerka ay Kenyaanka kala kulmaan qaadashada dokumentiyadd muhiimka ah wax laga qaban doono.
Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in guddoomiye xaafadeedyada ay meesha ka saaraan dadka kooxaha argagixisada garab siinaya.
Sido kale waxaa si weyn loola dagaalamaya ka ganacsiga iyo ku lug lahaanshaha daroogada .
Waxaa dhanka kale la sameynayaa guddiyo qaabilsan arrimaha nabadda oo ka dhisan gudaha jaamacadaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here