Wasaaradda Batroolka oo heshiis la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.
Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in haatan ay madaxda shirkadaha aqbaleen heshiiska, maadaama dowladda ay ku guuleysatay inay meel mariso sharciga shidaalka, isla markaana ay ka soo jawaabeen baaqii Wasaaradda oo ahayd in shirkadihii caalamiga ahaa ee heshiisyada lala galay ay dalka dib ugu soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here