Wasaaradda caafimaadka Kenya oo shaacisay in maanta 685 qof laga helay cudurka COVID19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa galabta shaaciyay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay uu cudurka COVID19 haleelay 685 qof oo dheeeraad ah.
Tani ayaa timid kaddib baaritaan lagu sameeyay dheecaan gaaraya 4,912.
Tirada guud ee xaaladaha caabuqa corona ee Kenya ayaa hadda ah 44,881 waxaana tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan fayraska laga baaray 621,976 oo dheecaan ah.
Xaaladaha maanta la shaaciyay waxay isugu jiraan 635 oo laga helay dad Kenyaan ah iyo 50 shisheeye ah.
Marka la eego dhanka jinsiyadda waxaa lab ah 456 halka 229 ay dheddig yihiin waxayna da’doodu u dhexeysaa hal sano iyo 99 sano.
Kiisaska cusub ee coronavirus ee maanta ayaa laga kala diiwaangeliyay ismaamullada Nairobi 141, Nakuru 127, Mombasa 73, Trans Nzoia 61, , Kisii 37, Kiambu 30, Kakamega 27, Kisumu 27, Busia 20, Kilifi 18, Nandi 18, Nyeri 14, Turkana 14, Nyamira 10, Kajiado 9, Taita Taveta 9, Bungoma 8, Uasin Gishu 6, Laikipia 6, Machakos 6, Baringo 5, Murang’a 3, Meru 3, Wajeer 3, Kitui 2, Kwale 2, Makueni 2, Siaya 1, Elgeyo Marakwet 1, Vihiga 1 iyo Isiolo oo hal ah.
105 qof oo dheeraad ah ayaa cudurka ka caafimaaday waxayna hadda bogsashada guud tahay 31,857.
Sidoo kale 7 bukaan oo kale ayaa cudurka COVID19 u dhintay tani oo dhimashada guud ka dhigaysa 832 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here