Wasaaradda caafimaadka oo baaq u dirtay dadka ka bogsaday xanuunka Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shakhsiyaadka uu haleelay cudurka Coronavirus ee Covid-19 ee ka bogsaday kula talisay inay noqdaan safiirro wacyigelinaya shacabka.
Qoraal la soo dhigay bartisa rasmiga ee twittarka wasaaradda ayaa lagu xusay in dadkan laga doonayo inay gudbiyaan farriin dadweynaha rajo ku beeraysa.
Sido kale inay shacabka u muujiyaan khatarta ay leedahay in la fududaysto cudurka dunida saameynta ba’an ku haya.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo shalay qaab online ah kula hadlay Brenda Cherotich iyo Brian Orinda oo xanuunka ka bogsaday ayaa Kenyaanka u xaqiijiyay in Covid-19 lagu daaweyn karo gudaha wadanka.
Wasaaradda ayaa weli dadweynaha ku boorinaysa inay gacmaha si joogto ah ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo , ay adeegsadaan gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer, guriyahooda ay ku sugnaadaan sido kalena qofba qofka ugu dhow uu u jiro ilaa 1.5 miitar.
Sido kale wasaaradda ayaa wacyigelin u sameynaysa wadayaasha mootooyinka halka la xasuusinaya inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarkii Dowladda ay dul dhigtay.
Wadayaasha dhugdhugleyda ayaa laga doonayaa inay qaadaan hal rakaab oo keliya, in wadaha iyo qofka uu wado aynan isku dhawaan sido kalena labaduba ay xirtaan maaskaro ama waxa loo yaqaano Facemask.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu sheegay in gudaha wadanka laga xaqiijiyay 81 qof oo uu cudurka Covid-19 haleelay.
Waxaa dabagal lagu sameeyay 1675 qof oo la macaamilay bukaannada.
706 qof ayaa isbitaallada laga saaray kaddib markii ay u dhammaatay mudada karantiilka ee 14-ka cisho.
Dowladda ayaa hadda si dhow ula socoto xaaladda caafimaadka ee 969 qof oo xiriir dhow la yeeshay dadka xanuunka uu saameeyay.
22-ka qof ee dheeraadka oo uu shalay wasiirka caafimaadka shaaciyay waxay isugu jiraan 13 rag iyo 9 haween , da’doodana waxay u dhaxaysa 23 ilaa iyo 71 sano.
Kenyaanka ayay weli Dowladda ku boorinaysa inaynan is dhigan oo ay sii wadaan u hoggaansanka amarrada iyo talooyinka la soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here