Wasaaradda caafimaadka oo baaq u dirtay maamullada hoteellada

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maamullada hoteellada gaar ahaan qeybta jiifka ugu baaqay inay qiimo dhimis u sameeyaan dadka deggan ee si iskood ah isku karantiilaya.
Waxaa uu xusay in goobahan laga doonayo inay dadka ka imaanaya dibadda u fududeyaan inaynan dadka kale dhex gelin.
Mr. Kagwe ayaa codsanaya in qiimaha la dhimo boqolkiiba 25 ilaa 50.
Boqolaal Kenyaan ah oo wadanka dib ugu soo laabanaya ayaa laga doonaya inay muddo 14 cisho ah aynan goobta ay deggan yihiin ka soo bixin.
Ganacsatadan ayaa lagu booriyay in iyagoo ka faaiidaysanaya dhibaatada jirta ee Covid-19 aynan culeys dheeraad ah saarin macaamiisha.
Wasiirka ayaa dhanka kale maareeyaasha gaadiidka dadweynaha kula taliyay inaynan kordhin qiimaha lacagta ee lagu raaco baabuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here