Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay ismaamulka Garissa

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa qoraal ay soo saaray waxay ku ammaantay sido kalena boogaadisay dowladda ismaamulka Garissa .
Ismaamulkaas ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee saxiixa sido kalena gudbiya warbixin sannadkiiba laba mar la sameeyo oo ku saabsan kormeerka iyo ka falcelinta la xiriirta dhimashada timaado umusha ka hor ama kaddib ee loo yaqaano (MPDSR).
Waxaa warbixintan gudbiyay wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Garissa Axmadnadiir Cumar.
Qoraalka wasaaradda caafimaadka ee dowladda dhexe ayaa lagu xusay in Garissa looga dayan karo dhaqangelinta iyo qaabeynta MPDSR.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi oo hoggaamiyaasha muslimiinta kula kulmay masjidka Jamia ee magaaladatani Nairobi ayaa sheegay in dowladda aynan bartilmaameedsi ama takoor ku hayn muslimiinta.
Wasiirka ayaa xusay in tallaabooyinka iyo amarrada dowladda looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo nolosha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here