Wasaaradda caafimaadka oo digniin ka soo saartay cudurka COVID19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa ka digay in wadanka uu geli karo wajiga labaad ee caabuqa corona.
Tani ayaa timid kaddib markii hal toddobaad gudihii ay cudurka u dhinteen 68 qof.
Kagwe ayaa walaac ka muujiyay tirada dhimashada iyo kiisaska fayraska ee sii kordhaya ee maalmihii ugu dambeeyay la diiwaangelinayay.
Shacabka ayuu ku booriyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda cudurka sida gacmo dhaqashada , isticmaalka afxirka iyo kala fogaanta.
Wasiir Kagwe ayaa sheegay in kiisaska coronavirus ee gudaha dalka ay bishii sagalaad ahayeen boqolkiiba 4 balse bishan ay gaareen boqolkiiba 15.
Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaradda caafimaadka shaacisay xaalado cusub oo coronavirus oo gaaraya 761 waxayna hadda tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID19 tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan tahay 52,612 .
Dhimashada guud waxay maraysaa 964 kaddib markii ay dhinteen 14 qof oo dheeraad ah halka 35,604 bukaan ay ilaa iyo hadda ka caafimaadeen cudurka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here