Wasaaradda caafimaadka oo eegaysa sababta rag badan uu ugu dhacay covid-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay inay dabagal ku sameynayaan sababta ka dambeysa inay sareyso tirada ragga ee uu saameynaya cudurka Covid-19 marka loo barbardhigo haweenka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda xaaladaha coronavirus eel aga xaqiijiyay gudaha wadanka ay gaareen 3,860
133 kiis oo lagu dhawaaqay galinkii dambe ee shalay waxaa 88 ka mid ah laga helay rag halka 45 ay dumar ahayeen.
Mr. Kagwe ayaa ragga ugu baaqay inay ku daydaan haweenka oo ayna si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in hadii la yareeyo tirada ragga ee uu cudurka soo ridanaya , ay hoos u dhici doonto tirada xaaladaha guud ee la diiwaangelinaya.
Haweenka ayuu Mr. Kagwe ku ammaanay inay muujinayaan feejignaan dheeraad ah oo la xiriirta ka hor tagga cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here