Wasaaradda caafimaadka oo faahfaahisay waxyaabo la iska dhaadhiciyay oo ku aaddan Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ku boorisay inaynan raacin waxyaabaha aan xaqiiqda ku saleysnayn eel aga sheegayo Coronavirus(Covid19).
Dadweynaha ayaa lagu wargeliyay inay xogta ka qaataan baraha rasmiga ee wasaaradda caafimaadka ee dalka, afhayeenka Dowladda dhexe iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO qaybteeda Kenya.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa u haysta in toonta oo la cuno ay ka hor tag u tahay Coronavirus hasa ahaate wasaaradda caafimaadka ayaa sheegaysa in kastoo toonta ay wanaagsan tahay haddana ilaa iyo hadda inaynan jirin wax caddeynaya in dad adeegsaday ay ka badbaadisay Covid19.
Wasaaradda ayaa dhanka kale dadweynaha kula Talisay inay is leheysiiyaan dagaalka ka dhanka ah Coronavirus oo ayna iska ilaaliyaan in la marin habaabiyo.
Sido kale waxay wasaaraddu sheegtay in cudurrada la xiriira neefsashada lagu kala qaado in gacmaha la isku salaamo ama aad gacmaha ku taabato indhaha, sanka iyo afka.
Dadweynaha ayay wasaaraddu ku boorinaysa inay salaanta celiyaan iyagoo gacan haatinaya ama gacmahooda xabadka saaraya intii ay qof kale gacan gelin lahaayeen.
Wasaaradda ayaa sido kale caddeysay in ilaa iyo hadda aynan jirin daawo ka hor tag u ah cudurka Covid19 ee loo yaqaano Coronavirus in kastoo saaynisyahaanada ay arrintan ku howlan yihiin.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda qortay in hadii aad neefta ceshan karto 10 ilbiriqsi iyo wax ka badan adigoo aan quficin ama aan culeys dareemin , micnaheedu ma aha inaadan qabin cudurka coronavirus ama mid kale oo sanbabbada saameeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here