Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay in loo safro Shiinaha

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa kenyaanka uga digtay in safarrada aan aadka muhiimka u ahayn ay ku tagaan dalka Shiinaha.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo in ka badan 300 qof ay u dhinteen caabuqa Coronavirus ee wadankaas ka dillaacay.
Wasiiradda dhawaan xilka wareejinaysa ee caafimaadka Sicily Kariuki ayaa sheegtay in dowladda ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah firuusiga.
Ms Kariuki ayaa intaas ku dartay in 88 arday oo Kenyaan ah kuwaaso wax ka dhigta magaalada Wuhan ee Shiinaha ee uu firuusiga sida gaarka ah u saameeyay ay badqabaan.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in guddi gaar ah oo arrimaha caafimaadka loo xilsaaray uu kulan yeeshay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in go’aan lagu gaaray in la xoojiyo baaritaanada caafimaad ee laga sameeyo xuduudda wadanka laga soo galo iyo garoomada diyaaradaha.
Digniintan mid la mid ah waxaa maalmo ka hor u soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka.
Maalinkii jimcada ee la soo dhaafay ayay ahayd markii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay shaacisay in caabuqa Shiinaha uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg oo caalami ah.
Sido kale shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakisay safarradii ay halkaas ku tagi jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here