Wasaaradda caafimaadka oo ka hadashay Coronavirus lagu sheegay siyaasiyiin

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loogu soo gudbin warbixin ku saabsan inay jiraan qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo uu saameeyay caabuqa Coronavirus.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 17 ka mid ah xubnaha baarlamaanka meel gaar ah lagu hayo kaddib markii laga helay cudurka (COVID-19).
Xoghayaha sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa shir jaraaid ka sheegtay in kastoo tani laga hadal hayo gudaha wadanka haddana wasaaradda aan si rasmi ah loogu soo wargelin.
Sido kale isbitaalka Lancet Kenya, oo la sheegay in baarlamaanka uu u xilsaaray inuu baaritaano ku sameeyo mudanayaasha ayaa iska fogeeyay arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here