Wasaaradda caafimaadka oo ka hadashay uurka gabdhaha yaryar

Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay inay korortay tirada gabdhaha yaryar ee uurka qaaday .
Waxaa uu dhanka kale carrabka ku adkeeyay in dhibaatadan aynan gaarsiisnayn heer walaac xooggan laga muujiyo sida warbaahinta qaar ay u dhigtay.
Dr. Aman ayaa arrinkan ka hadlay xilli shalay loo dabaaldegayay maalinka adduunka ee tirada dadweynaha.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in tirada gabdhaha ee la uureeyay saddexdii bilood ee ugu horeysay sannadkan ay ka hooseyso midii la diiwaangeliyay sannad ka hor.
Waxaa uu sheegay in sannadkii hore afartii bilood ee ugu horreysay la uureeyay 175,488 gabdhood.
Xoghayaha ayaa ku baaqay in maamullada kala duwan ay iska kaashadaan qaabka looga hor tagi karo gabdhaha uurka loo yeelaya .
Wasaaradaha dowladda , hay’adaha aan dowliga ahayn, ururada bulshada, macallimiinta, waalidiinta iyo hay’adaha diimeed ayuu kula taliyay inay ka wada shaqeyaan xal u helidda dhibaatadan.
Warbixin uu bishii lixaad ee sannadkan soo saaray guddiga maareya hannaanka macluumaadka caafimaad ee dalka ayaa lagu sheegay in tan iyo bishii lixaad ee sannadkan gudaha wadanka laga diiwaangeliyay uurka gabdhaha yaryar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here