Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqday inaan loo dhawaan dadka xanuunnada u nugul

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in hadii aad la nooshahay qof xanuunnada iyo dhibaatooyinka u nugul lagaa doonaya inaad yareyso waqtiga aad la qaadato.
Tani ayaysan micnaheedu takoor ahayn balse waa talo caafimaad maadaama dadka sida waayeellada iyo kuwa qabo xanuunnada gaarka ah ay u nugul yihiin inuu saameeyo cudurka Covid-19.
Meelaha lagu talinaya iniidan waqti badan ku wada qaadan waxaa ka mid ah goobta cunnada lagu kariyo iyo fadhiga.
Dhanka kale dhammaan Kenyaanka ayaa loogu baaqay inay Dowladda garab ku siiyaan tallaabooyinka iyo amarrada ay soo saartay.
Sido kale waxaa karantiil Khasab ah lagu sameeynaya cid kasta oo la rumeysan yahay inay la macaamisha qof cudurka laga helay.
Shalay ayay ahayd markii Dowladda Kenya ay la wareegtay qalabka baaritaannada Coronavirus oo dhan 25,000 kuwaasoo uu ku deeqay maalqabeenka u dhashay Shiinaha ee Jack Ma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here