Wasaaradda caafimaadka oo ku talisay in dadka u dhinta Covid-19 aan la aasin habeenkii

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inaan xilliga habeenkii ah la aasi Karin dadka uu noloshooda galaaftay cudurka Covid-19.
Arrintan ayaa timid kaddib dhacdooyin dhowr ah oo laga soo tabiyay galbeedka dalka oo habeenkii aas dhacaya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Patrick Amoth, ayaa sheegay hadii marba saraakiisha caafimaadka ay eegeen meydka inaynan wax dhib ah lahayn in maalinkii la aaso.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaradda caafimaadka ay talooyin arrinkan ku aaddan la wadaagi doonto ismaamullada.
Dr. Amoth ayaa yiri hadii uu dhaqankaaga qabo in habeenkii meydka la aaso waxaad sugtaa inuu waaga kuu baryo.
Dhawaan ayay ahayd markii heesaa caan ah o lagu magacaabi jiray Abenny Jachinga ismaamulka Kisumu lagu aasay 2-dii habeenimo ee sabtida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here