Wasaaradda caafimaadka oo qalab gaarsiisay Mandera

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay agab ay halkaas gaarsiisay.
Mr. Roba ayaa qoraal uu barahiisa rasmiga ee Twittarka iyo Facebook-ga soo dhigay ku sheegay inuu wasiirka caafimaadka ee dalka iyo saraakiisha kale ee la shaqeeya uga mahadcelinayo tallaabada ay qaadeen.
Mr. Roba ayaa intaa ku daray inay guddoomeen daawooyinka iyo qalabka lagu baaro cudurka COVID 19.
Sido kale guddoomiyaha Mandera ayaa u mahadceliyay guddiga qaran ee isku dubaridka howlahan , hay’adda AMREF iyo sido kale shirkadda Megascope.
Maalmo ka hora yay ahayd markii barasaabka Mandera uu Dowladda ka codsaday inay ismaamulkaas ka furto xarun lagu baari karo cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here