Wasaaradda caafimaadka oo shacabka ugu baaqday inay guriyaha joogaan

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dadweynaha ku boorisay inay guriyahooda ku sugnaadaan si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka COVID-19 .
Qoraal daqiiqado ka hor la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga wasaaradda ayaa laga dheehan karaa in qofka oo aan gurigiisa ka soo bixin ay qeyb ka tahay dadaallada qaran ee ay dowladdu wado.
Sido kale dadweynaha ayaa lagula taliyay inay maalin kasta marar badan gacmahooda ku dhaqaan biyo iyo saabuun ugu yaraan 20 ilbiriqsi.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka uu shaaciyay in kiisaska Coronavirus eel aga xaqiijiyay gudaha wadanka ay gaareen 15.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in shacabka oo mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaro nadaafadda sido kalena aan aad isugu dhawaan ay kaalin weyn ka qaadan karaan xakameynta faafidda cudurka.
Sido kale waxay wasaaraddu sheegtay inay kaashanayso ismaamullada si guud ahaan wadanka looga sameeyo xarumo gaar ah oo lagu karantiili karo dadka laga shakiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here