Wasaaradda caafimaadka oo sheegatay in dabagal lagu sameeyay in ka badan 600 oo qof

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaysa ismaamullada wadanka ay dabagal ku sameysay 646 oo qof.
Dadkan ayaa la rumeysan yahay inay xiriir dhow la yeesheen ama la macaamileen 16-ka qof ee ilaa iyo hadda lagu arkay cudurka Covid-19.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in 96 ka mid ah shakhsiyaadkan la fasaxay kaddib markii ay u dhammaatay mudadii la karantiilayay ee 14-ka cisho.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka laga helay cudurka ee ku sugan gudaha wadanka in xaaladooda caafimaad aynan liidan marka laga reebo hal qof ah.
Isbitaalka Mbagathi ee magaaladatani Nairobi waxaa hadda ku jiro 11 qof oo baaritaano lagu sameeyay ilaa iyo hadda aan natiijo laga soo saarin.
Dhanka kale wasaaradda ayaa gaadiidleyda xasuusisay inay u hoggaansamaan amarradii la dul dhigay maalmo ka hor.
Waxaa amarrada ka mid ahaa in la yareeyo tirada rakaabka ee baabuurta ku safraya sido kalena la xaqiijiyo inaynan aad isugu dhawaan.
Gaadiidleyda ayaa sido kale lagu booriyay inay nadaafadda ku dadaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here