Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay inaan caabuqa Corona lagu arkin gudaha dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa iyo hadda gudaha wadanka aan laga soo tabin kiis la xaqiijiyay oo la xiriira caabuqa Corona ee saameynta ku yeeshay wadamo dhowr ah.
Wasiiradda mar dhow xilka wareejinaysa ee Sicily Kariuki ayaa dhanka kale shaacisay in baaritaano lagu sameeyay saddex qof oo shalay la dhigay isbitaallo ku yaalla Nairobi iyo Mombasa aan wax natiijo oo cudur sidahan ku aaddan aynan ka soo bixin taasoo micnaheedu tahay inuusan saameyn.
Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in baaritaanada ay yihiin kuwo hor dhac ah balse qiimeyn iyo xaqiijin dheeraad ah lagu soo sameyn doono dalka Koonfur Afrika.
Shalay ayay ahayd markii laba qof oo ka soo degay gagida diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi iyagoo ka sheeganaya inay hayso qandho aad u daran la geeyay isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Waxay labaduba ka soo safreen dalka Shiinaha oo caabuqan uu saameyn weyn ku yeeshay.

Kiiskii saddexaad ayaa ahaaa gabadh ardayad ah oo ka soo safartay Shiinaha iyadoo dalka timid khamiistii la soo dhaafay waxaana shalay la dhigay isbitaalka weyn ee Coast General Hospital.
Waxay wax ka dhigataa jaamacadda Southern Medical University ee magaalada Guangzhou.
Sarkaalka ugu sarreeysa wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Mombasa, Khadija Shikely ayaa sheegtay in gabadha la geeyay qol gaar ah.
Waxay intaas ku dartay in baaritaano lagu sameeyay loo soo diray Nairobi si qiimeyn loogu sameeyo.
Sido kale Mrs. Khadija ayaa xustay in gabadha la qabtay iyadoo ku sugan Shiinaha waxayna ka sheeganaysay dhanka xawadka iyo dhibaato la xiriirta neefsashada.
Gabadhan oo da’deedu tahay 22 sano ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedda deegaanka Likoni ee Mombasa.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii arday kale oo kenyaan ah oo ka soo laabtay Shiinaha lagu karantiilay isbitaalka qaran ee Kenyatta in kastoo markii dambe la xaqiijiyay inuunan caabuqa Corona qabin.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shacabka ugu baaqday inay is dejiyaan .
Sido kale waxaa dadweynaha loo xaqiijiyay in la qaaday tallaabooyin adag oo looga hor tagaya in firuusiga uu u soo gudbo dalka.
Caabuqa corona ayaa saameeyay in ka badan 17, 000 oo qof oo ku nool Shiinaha.
Waxaa uu ku sii fiday 24 wadan oo ay ka mid yihiin Hong Kong, Australia, Cambodia, India, Japan, Macau, Malaysia, Nepal, Philippines, Singapore , Kuuriyada Koonfureed, Sri Lanka, Taiwan, Thailand, Vietnam, Canada, Maraykanka, Britain, France, Germany, Italy, Russia, Sweden, Spain iyo isku tagga imaaraadka carabta.
Si looga hor tago caabuqan wasaaradda caafimaadka ayaa shacabka kula talisay inay nadaafadda ku dadaalaan.
Inay iska ilaaliyaan dadka qabo dhibaatooyinka dhanka neefsashada ah ee aadka u daran.
Inay tagaan xarunta caafimaad ee ugu dhow si ay xaaladooda ula socdaan hadii ay dhawaan Shiinaha tageen ama ka yimaadeen oo ayna isku arkaan astaamo sida qandho , qufac,hindisho ama culeys dhanka neefsashada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here