Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay inay xaqiijinayso badqabka dhakhatiirta

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa howlwadeenada isbitaallada kala duwan u xaqiijisay in lagu dadaalayo badbaadintooda kaddib markii afar ka mid ah ay u dhinteen cudurka COVID19.
Xoghayaha sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in dowladda ay walaac ka muujinayso badqabka saraakiisha caafimaad.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in iyadoo lagu dadaalaya xakameynta faafidda cudurka haddana dhanka kale wasaaraddu ay ka go’an tahay in saraakiisha la tacaalaya kiisaska corona aynan dhibaato soo gaarin.
Dr. Aman ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay in tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan 450 dhakhaatiir ah uu cudurka COVID19 haleelay.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in nolosha saraakiisha caafimaadka oo halis gasho ay khatar ku tahay daryeelka laga bixiyo xarumaha kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here