Wasaaradda caafimaadka oo talooyin ka soo saartay Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Facebook-ga waxay dadweynaha u soo jeedisay ilaa saddex talo oo laga doonayo inay sameyeen si ay uga badbaadaan caabuqa Coronavirus ee dunida saameeyay.
Shacabka ayaa loo soo jeediyay inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun.
Sido kale inay iska ilaaliyaan oo aynan aad ugu dhawaan qofka qabo qandhada ama qufacaya.
Wasaaradda ayaa cid kasta oo isk aragto qufac , qandho ama dhibaato dhanka neefsashada ah ku boorisay inay xilli hore raadsato daryeel caafimaad.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ku wargelisay in ilaa iyo hadda uunan jirin kiis looga shakisan yahay ama ama la xaqiijiyay oo ku aaddan cudurka uu firuusiga Coronavirus sababo ee COVID-19 kaasoo lagu arkay gudaha wadanka.
Wasaaradda ayaa xusay in laba qof lagu baaray isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaaladatani Nairobi balse aan caabuqa laga helin dadkaas.
Shacabka ayaa loogu baaqay inayna ku dagmin warbixinada lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in qof cudurka qabo la dhigay isbitaalka Nairobi Hospital.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shaaca ka qaadday in 13 ka mid ah dadkaas ay wadanka u dhasheen .
Walaaca ay dadweynaha muujiyeen kaddib maxkamadda sare ayaa muddo 10 maalmood ah hakisay duulimaadyada isku xira Kenya iyo Shiinaha.
Sido kale waxay amar ku bixisay in xarun milatari lagu karantiilo dhammaan rakaabkii maalinkaas wadanka yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here