Wasaaradda caafimaadka oo u digtay siyaasiyiinta isku soo baxyada qabanaya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa digniin adag u diray madaxda siyaasadeed ee qabanaya kulamada dadweyne ee ay ka qayb galaan shacab tiro badan.
Waxaa uu xusay in hadii dad isugu tagay hal meel laga helo cudurka COVID19 lala xisaabtamaya hoggaamiyaasha kulankaas qaban qaabiyay.
Sidoo kale dhalinyarada ayuu u sheegay inay joojiyaan fudeydsiga la xiriira halista cudurka.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in cid kasta oo ku sugan goobaha lagu badan yahay laga doonayo inay maaskaro adeegsato, aynan qofka kale aad ugu dhawaan sido kalena nadaafadda ku dadaasho.
Mr. Kagwe ayaa intaa ku daray in mulkiilayaasha ganacsiyada qaar sida baararka oo horay codsanayay in xayiraadda laga qaado ay hadda jabinayaan amarrada iyo talooyinka dowladda ee lagula dagaalamaya cudurka.
Dhanka kale waxaa fasax khasab ah loo diray wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu kaddib markii mid ka mid ah uu cudurka COVID19 u geeriyooday.
Wakiillada oo tiro ahaan dhan 46 iyo shaqaalaha golaha hoose ee ismaamulkaas ayaa fasax ku maqnaan doono 21 cisho.
Karaaniga golaha hoose ee Uasin Gishu Shadrack Choge ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in wakiillada uu fasax maanta u billowday oo ayna shaqada dib ugu soo noqonayaan 6-da bisha 11-aad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here