Wasaaradda caafimaadka oo walaac ka muujisay in qaar ka mid ah Kenyaanka ay fududeysanayaan cudurka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay khatar ka dhalan karto fududeysiga qaar ka mid ah shacabka ee ku aaddan halista fayraska corona.
Xoghayaha sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa carrabka ku dhuftay in dadweynaha oo aan si buuxda ugu hoggaansamin amarrada iyo talooyinka caafimaad ee COVID19 lagula tacaalaya ay carqaladeynayso guulihii la gaaray.
Waxaa uu Rashid Aman xusay in howladeenada gaadiidka dadweynaha ay weli qaadayaan rakaab tiro badan.
Sido kale waxaa uu walaac ka muujiyay suuqyada oo ay dadku ku badan yihiin iyagoo aad isugu dhow.
Dhanka kale hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu uga digay isku soo baxyada ay qabanayaan.
Xoghayaha ayaa gaadiidleyda, shacabka iyo siyaasiyiinta ku booriyay inaan la is dhigan maadaama caabuqa corona uu weli dalka iyo dunidaba ka jiro.
Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaradda caafimaadka shaacisay inay xaqiijisay kiisas cusub oo COVID19 oo dhan 104.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee gudaha wadanka ayaa hadda ah 35, 460 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here